Connect with us

somalilandtoday.com

Booliska Ingiriiska Oo Sheegay Inay Gaadhi Ka Dhex Heleen 39 Qof Oo Mayd Ah

focus

Booliska Ingiriiska Oo Sheegay Inay Gaadhi Ka Dhex Heleen 39 Qof Oo Mayd Ah

(SLT-London)-Bileyska koonfurta England ayaa sheegay in kooxaha gurmadka degdega ahi ay ka soo saareen gaadhi weyn 39 Mayd oo saarnaa gaadhi ka yimid dalka Bulgaria.

Masuuliyiinta dawladu waxay sheegeen in maanta oo Arbaca ah ay socoto hawlaha lagu xaqiijinayo dadkaasi, waxaanay 38 qof oo ka mid ah dadkaasi ay yihiin dad waaweyn, halka midka kalena uu yahay qof dhalinyaro ah.

Mariner oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada Bileyska dalkaasi ayaa sheegay in gaadhiga xamuulku soo galay dalka 19-kii bishan October booliskuna ay “si dhow ula shaqeynayaan la-hawlgalayaashayada si aanu baadhitaan ugu sameyno”. Ayuu yidhi Mr Mariner.

Darawalka gaadhigan weyn ee nooca xamuulka ah ayaa da’diisa lagu sheegay 25-jirka ah, kaas oo ka soo jeeda Waqooyiga Ireland, ayaa loo qabtay eedaha ah inuu dilay dadkaasi, sida ay bileysku sheegeen.

Raysal Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay inuu “aad uga naxay dhacdadan naxdinta leh”.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top