Connect with us

somalilandtoday.com

Bashar Al-Asad Oo Nin Budhcad Ah Ku Tilmaamay Madaxweynaha Turkiga

focus

Bashar Al-Asad Oo Nin Budhcad Ah Ku Tilmaamay Madaxweynaha Turkiga

(SLT-Dimishiq)-Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Asad ayaa weerar afka ah ku qaaday dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo uu ku tilmaamay in uu yahay nin Budhcad ah oo ku soo duulay Suuriya.

Mr Asad ayaa wacad ku maray in ay dib u qabsan doonaan deegaanada ka maqan ee ku yaalla waqooyiga Suuriya oo ka baxay gacanta dowlada intii lagu guda jiray dagaalkii Sokeeye.

Hadalkaan ayuu ka sheegay kadib booqasho uu ku tagay Jiida hore ee dagaalka ee waqooyiga Suuriya.

“Erdogan waa burdhcad wuxuu xaday warshadaheena Saliideena iyo qeyraadka yaga, hadana waxa uu doonayaa in uu qaato dhulkeena mana u dulqaadanayo” ayuu Yidhi Bashar Al-Asad.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top