Connect with us

somalilandtoday.com

Banaanbaxyo Rabshado Wata Oo Ka Dhacay Itoobiya Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

focus

Banaanbaxyo Rabshado Wata Oo Ka Dhacay Itoobiya Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

(SLT-Addis Ababa)-Saddex qof oo ayaa ku dhintay dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay Itoobiya halka tiro shacab ah ay ku dhaawaceen, sida saraakiil maxalli ah ay BBC u sheegeen.

Dibadbaxyada ayaa lagaga soo horjeeday raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Laboa qof oo kamid ahaa dadkiii dibadbaxyada ka dhigayay magaalada Adama ayaa lagu dilay halkaas halka hal qofna uu ku dhintay magaalada bariga ku taalla ee Harar, sida ay saraakiisha sheegayaan.

Halka saddex qof oo dibadbaxyaal ahna lagu dhaawacay magaalada Ambo oo dhacdo galbeed magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Waxaa la xidhay waddooyinka ku yaalla gobolka Oromiya iyo waddooyinka gala Addis Ababa.

Dadka dibadbaxyada dhigaya waxay tageero u muujinayay Jawar Maxamed oo ku eedeeyay dowladda inay ilaaladiisa kala noqonayso.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top