Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirka Arrimaha Dibadda IRAN Oo Sheegay In Uu Diyaar U Yahay Booqasho Uu Ku Tago Sacuudiga

focus

Wasiirka Arrimaha Dibadda IRAN Oo Sheegay In Uu Diyaar U Yahay Booqasho Uu Ku Tago Sacuudiga

(SLT-Tehran)-Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan Maxamed Javad Zarif ayaaa sheegay in uu diyaar u yahay booqasho uu ku tago Sacuudiga si uu u dajiyo xiisadda ka dhex aloosan Riyadh iyo Tehran.

Diblumaasigan sare ayaa hadalkaan sheegay xilli uu ka jawaab celinayay su’aalo la xidhiidha arrintaan oo lagu weydiiyay Tv-ga afka carabiga ku baxa ee kooxda Xuutiyiinta ee lagu magacaabo Al-Masiirah.

Mr Zarif ayaa u shardi yeelay booqashadan inay imaan karto marka ay timaado xaalado ku Habboon.

Haddii xaalad sahli karta arintaan aan aragno waxaa diyaar u ahay in aa u socdaalo Sacuudiga si aan u soo afjaro kala duwanaashaha u dhaxeeya labada Wadan ayuu Yidhi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top