Connect with us

somalilandtoday.com

Soomaalida Canada Oo Ka Hadlay Guusha Raysal Wasaare Justin Trudeau

focus

Soomaalida Canada Oo Ka Hadlay Guusha Raysal Wasaare Justin Trudeau

(SLT-Ottawa)-Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa aad u soo dhaweeyay guusha uu gaadhay xisbiga muxaafidka ah ee uu hogaamiyo Ra’isul wasaare Justin Trudeau kaasi oo markii labaad xilka loo doortay.

Mid ka mid soomaalida ku dhaqan magaalada Ottowa oo lagu magacaabo Cabdulaahi Maxamed oo la hadlay Universal tv ayaa sheegay inay filayaan guusha xisbiga haya talada.

Mr Cabdullaahi ayaa intaa ku daray inay socoto dacwad la xidhiidha qoyskiisa oo ku sugan qaarada Afrika gaar ahaan Kenya oo uu doonayo in uu u qaado Canada.

Mr Trudeau ayaa lagu ammaanay intii uu xilka hayay kor u qaadida kobaca dhaqaalaha iyo sida uu dhabarka ugu ritay marti-galinta qaxooti badan oo ka soo hayaamay wadamada ay colaada ka jirto gaar ahaan Soomaaliya

Inkastoo xisbiyada mucaaradka ay ku dhaliileen musuq maasuq hadheeyay dowlada Canada ayaa hadane shacabka dalkaas waxay ku ammaaneen waxyaabo badan oo ay ka mid tahay dhanka shaqada dadweynaha.

Isaga oo taageerayaashiisa kula hadlayay xilli hore ee salaasadii maanta ah ayuu yidhi waa mahadsantihiin sida aad iigu codeyseen maxaa yeelay waxaa diideen in la adin kala qeybiyo.

Xisbiga Liberals oo uu hogaamiyo ra’isul wasaaraha Canada ayaa helay 158 kursi oo ka mid ah 338 kursi ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka Canada.

Tani ayaa ka dhigan in uu u baahnaan doono xisbiyada laga tirada badan yahay midkood si uu usoo dhiso dowlada Cusub.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top