Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaare Justin Trudeau Oo Ku Guuleysatay Doorashada Canada

focus

Raysal Wasaare Justin Trudeau Oo Ku Guuleysatay Doorashada Canada

(SLT-Canada)-Raysal wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo xisbigiisa ayaa ku guulleystay doorashada guud ee dalkaasi, balse xisbi xaakimka Liberalka ayaa lumiyay aqlabiyadii uu ku lahaa Baarlamaanka.

Maadaama Trudeau aanu hadda heysan aqlabiyada Baarlamaanka ayuu ku khasbanaan doonaa inuu taageero ka raadsado xisbiyada kale ee awooda kuleh Golaha Wakiilada. Waxaana la saadaalinayaa in tani ay keeni doonto in laba sano kadib markale la qabto doorasho cusub.

Waxaa weli socota tirinta cododka waxaase la saadaalinayaa in xisbiga Trudeau uu heli doono 156 kursi, codka aqlabiyada ayaa ah 170 maadaama uu Baarlamaanka dalkaasi ka kooban yahay 338 Xildhibaan.

Justin Trudeau ayaa kahor inta aysan codbixinta dhicin ay lasoo gudboonaadeen cadaadis xoogleh iyo fadeexado la xadhiidha sawiro la faafiyey oo muujinayey isagoo wajiga marsaday ranji madaw iskana dhigaya qof madow, arrintaasi oo ay dadka qaarkiis ku tilmaamaan astaan cunsurinimo, balse Trudeau oo isagu ah nin taageero badan ka heysta dadka laga tiro badan yahay ayaa iska difaacay eedeynmahaasi, hase yeeshee waxaa dhaawaca ugu weyn u geystay iyadoo aanu kasoo bixin in badan oo kamid ah balanqaadyadii uu horey u bixiyey doorashadiisii koowaad.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top