Connect with us

somalilandtoday.com

Hargeysa: 3 Tuug Ilma Yar Shandad Mooday Oo Tooray Ku Dhaawacay

focus

Hargeysa: 3 Tuug Ilma Yar Shandad Mooday Oo Tooray Ku Dhaawacay

(SLT-Hargeysa)-Saddex Tuug ayaa ilmo yar oo ay u haysteen boorso ama shandad ku dhaawacay Tooray/muddi. Ilmaha yar oo jiray todoba bilood waxa dhabarka ku sidday hooyadii waxaanay ku war heshay qaylada ilmaha yar markii ay toorayda ay islahaayeen ku jeexa shandadu ilmaha ka waxyeelaysay dhabarka.

Dhacdadan ayaa ka dhacday jidka ka tallaaba dooxa Hargeysa ee fooqa Jajabka oo dhanka Bari kaga beegan biriijka weyn ee Hargeysa.

Sida ay dad goob joog ah u sheegeen wargeyska Geeska Afrika qaylada ilmaha yar iyo hooyada lafteeda oo dhiigga iyo qayladiisa ku war heshay ayaa argagax ku abuurtay dadkii meesha ka ag dhawaa taas oo keentay in booliska oo kaashanaya dadka goobta ka agdhawaa arrintan u xidhaan saddex qof la rumaysan yahay in ay yihiin kuwa falkan sameeyay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top