Connect with us

somalilandtoday.com

Dagaal Dhex-maray Pakistan Iyo Hindiya

focus

Dagaal Dhex-maray Pakistan Iyo Hindiya

(SLT-Khasmiir)-Khasaare nafeed ayaa ka dhashay dagaal xooggan oo Millatariga Pakistan iyo kuwa Hindiya ku dhaxmaray xadka muranka ka taagan yahay ee u dhaxeeya labada Wadan.

Warar laga helayo labada dhinac ayaa sheegaya in ay jirto askar iyo dad shacab ah oo ku dhintay iska hor-imaadka u dhaxeeya labada dal haysta hubka wax gumaaada ee Nuclear-ka.

Afhayeenka Millatariga Hindiya ayaa sheegay in laba askari oo dhankooda ah iyo dad rayid ah ay ku dhinteen kadib rasaas kaga timid ciidanka Pakistan ee ku sugan degmada Kupwara ee gobolka Tangdhar.

Korneyl Rajesh Kalia ayaa intaa ku daray in dhowr guri ay waxyeelo ka soo gaadhay weerarkan, ayna jiraan dad ku dhaawacmay oo hadda la dabiibayo.

Dhanka kale millatariga Pakistan ayaa sheegay in ciidanka Hindiya ay weerar badheedh ah ku soo qaadeen dadka rayidka ah ee ku sugan deegaanada Jura, Shahkot iyo Nowshera.

Korneyl Asif Ghafoor oo ah afhayeenka millatariga Pakistan ayaa sheegay in sagaal askari oo Hindi ah ay dileen halka tiro kalena ay ku Dhaawacmeen.

Mr Asif ayaa qoraal uu ku soo qoray boggiisa Twitter-ka ku sheegay in gaadiid dagaal ay ka burburiyeen Hindiya iyaga oo ka jawaabaya weerarka gardarada ah ee lagu soo qaaday.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top