Connect with us

somalilandtoday.com

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Kenya Oo Ammaantay Somaliland

focus

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Kenya Oo Ammaantay Somaliland

(SLT-Nairobi)-Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa dawladeedda u soo jeedisay inay raacdo dariiqa Horumarka Somaliland ee dhoofinta Xoolaha.

Safiya Cabdi Nuur oo xubin ka ah Baarlamaanka Kenya ayaa ammaantay horumarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland, gaar ahaan dekadda Berbera iyo qaabka dhoofinta xoolaha.

Xildhibaanka ayaa ku dhiirigelisay Kenya inay dhoofiso xoolo badan,iyadoo ka tusaale qaadanaysa Jamhuuriyadda Somaliland.

Xildhibaanka oo la hadlaysay golaha Baarlamaanka dalkeeda,iyadoo laga soo doorto deegaanka Ijaara ayaa xustay socdaalkeedii ugu dambeeyey ee ay ku timid Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Magaalada Dekeda ah ee Berbera, waxaanay sheegtay in Somaliland gaadhay horumar la taaban karo oo awood u leh dhoofinta Malaayiin xoolo ah kuwaasi oo taga Bariga dhexe.

Xildhibaannada Safiya Cabdi Nuur waxa ay tilmaamtay inaanay Somaliland sannado badan helin kaalmo shisheeye balse ay dhinaca dhoofinta xoolaha isku filaansho ka gaadhay.

Xildhibaannada Safiya waxay sheegtay in dawladda Kenya oo leh xoolo badan aanay haysan suuq geyn, balse Kenya dhoofinta xoolaha ka sameyn karto lacago adag, haddii ay raacdo dariiqa Jamhuuriyadda Somaliland ee dhoofinta xoolaha.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top