Connect with us

somalilandtoday.com

Soomaaliya Iyo Kenya Oo Heshiis Gaadhay

focus

Soomaaliya Iyo Kenya Oo Heshiis Gaadhay

(SLT-Washington)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Magaalada Washington ee dalka Mareykanka kulan kula qaatay dhiggiisa Kenya Ukur Yatani.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenya ayaa ka wada hadlay arrimaha Ganacsiga iyo gargaarka ee u kala gudbaya labada dal iyo arrimo kale.

Wasiir Beyle iyo Ukur Yatani oo kulmay inta uu socday Shir sannadeedka IMF iyo Bandhiga Aduunka, kaasi oo ka dhacay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ku heshiisyay inay si caadi ah u socdaan howlaha Ganacsiga iyo gargaarka ee u kala gudba Soomaaliya iyo Kenya iyo in la xoojiyo xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeya labada dal.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top