Connect with us

somalilandtoday.com

Ruushka Iyo Turkiga Oo Qarka U Saaran Inay Qalin Ku Duugaan Heshiis Cusub Oo Dhanka Millatariga Ah

focus

Ruushka Iyo Turkiga Oo Qarka U Saaran Inay Qalin Ku Duugaan Heshiis Cusub Oo Dhanka Millatariga Ah

(SLT-Moscow)-Ruushka ayaa sheegay inay u badan tahay in heshiis cusub oo difaaca gantaalaha iyo agabyo kale oo Millatariga uu ugu daabulayo dalka Turkiga oo saaxiib dhow ay yihiin.

Wakaalada wararka ee Interfax oo soo xiganeysa ra’isul wasaare ku xigeenka ruushka Mr Yury Borisov, ayaa sheegtay in xukuumada Ankara iyo Moscow ay u dhow yihiin in heshiis cusub ay qalinka ku Duugaan.

Interfax ayaa macluumaad dheeri ah ka bixin heshiiska millatari ee labada dhibac.

Maamulada Ankara iyo Moscow ayaa heshiis gaadhay dabayaaqadii sanadkii 2017-dii kaasi oo la xiriiray kala iibsiga gantaalaha difaaca ee loo yaqaan S-400 oo ruushka soo saaray waxaana qeybtii ugu horeysay ee gantaalahan ay gaareen Turkiga bishii April ee sanadkaan iyadoo la filayo in ay sii socot daabulida gantaalahan ilaa sanadka soo aadan ee 2020-ka.

Mareykanka ayaa horay u dhaliilay heshiiskan waxaana madaxweyne Donald Trump xayiraad dhaqaale ugu hanjabay dalka Turkiga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top