Connect with us

somalilandtoday.com

“Madaxa Ayaanu Ka Jari Doono…” Madaxweyne Erdogan Oo U Hanjabay Dagaalyahannada Kurdiyiiinta

focus

“Madaxa Ayaanu Ka Jari Doono…” Madaxweyne Erdogan Oo U Hanjabay Dagaalyahannada Kurdiyiiinta

(SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisa “uu madaxa ka jari doono” dagaalyahannada Kurdiyiinta haddii aanay sidii qorshaha ahaa ka bixin aagga nabadda ee waqooyiga Suuriya.

Turkiga ayaa Khamiistii ogolaaday inuu hakiyo weerrar uu muddo shan maalmood ah ku hayay Kurdiyiinta si uu ugu ogolaado in Kurdiyiintu dib uga gurtaan aaggaasi.

Hasayeeshee Sabtidii ayaa labada dhinac midba midka kale waxa uu ku eedeeyay inuu ku xadgudbay xabbad joojinta.

Ankara ayaa waxa ay ciidammada Kurdiyiinta u aragtaa inay argagixiso yihiin waxa ayna doonaysaa inay “aag ammaan ah” ka sameyso gudaha waddanka Suuriya.

Walow la gaadhay xabbad joojin ku meel gaar ah, haddana waxaa sii socda qulqulatooyin goos goos ah – gaar ahaan xadka u dhaw magaalada Ras Al-Ain.

Muxuu Erdogan yidhi?
Isagoo ka hadlayay xaflad taleefishinka laga sii daynayay ayuu gobolka bartamaha Turkiga ee Kayseri waxa uu Sabtidii Madaxweyne Erdogan ka sheegay in haddii dagaalyahannada Kurdiyiintu aysan galabka Talaadada halkaas isaga bixin – waa sida uu dhigayo heshiiska xabbadjoojinta ee – “waxaannu ka bilaabi doonnaa halkii aannu ku joojinnay oo waxaannu sii wadaynaa inaan madaxa ka goyno argagixisada.

Hogaamiyaha Turkiga ayaa waxaa lagu wadaa inuu todobaadkan wadahadal la yeelan doono madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Sabtidii ayuu sheegay in haddii wadahadalladaas aanay xal keenin, Turkigu waxa uu “fulin doonaa qorshihiisa”.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top