Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidammada Kurdiyiinta Oo Ogolaaday Inay Ka Baxaan Xadka Tukriga Iyo Suuriya

focus

Ciidammada Kurdiyiinta Oo Ogolaaday Inay Ka Baxaan Xadka Tukriga Iyo Suuriya

(SLT-Hargeysa)-Sarkaal sare oo ka tirsan Kurdiyiinta dalka Suuriya ayaa sheegay inay ciidamadooda kala baxayaan oo ay dib u qaadayaan.

Arintan ayaa ka dambaysay heshiis dawlada dalka Maraykanku ay miiska soo saartay oo dalka Turkiguna uu ogolaaday kadib markii dagaalkii ka socday magaalooyinka Waqooyiga dalka Suuriya ay barakiciyeen dad tiro badan.

Redur Khalil, oo ah Sarkaal ka tirsan ciidamada Kurdish-ka ee Syrian Democratic Forces (SDF), ayaa sheegay in qorshahaasi lagaga daadguraynayo magaalada Ras al-Ain la qorsheeyey maanta oo Axad ah, waa hadii aan dib u dhac ku imanaye.

Dagaalyahanada ugu badan ee ka kooban SDF ayaa ka yimid kooxda Kurdish ah ee (YPG) magacooda loo soo gaabiyo, taas oo dawlada Ankara ay u aqoonsan tahay koox Argagixiso oo gooni goosad doonaysa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top