Connect with us

somalilandtoday.com

Agaasimaha Cusub Ee Hay’adda Lacagta Adduunka Oo Taageero U Muujisay Dowladda Soomaaliya

focus

Agaasimaha Cusub Ee Hay’adda Lacagta Adduunka Oo Taageero U Muujisay Dowladda Soomaaliya

(SLT-Washington)-Hey’adda lacagta adduunka ee loo yaqaan IMF ayaa kalsooni ka muujisay galaangalka ay dowladda ugu jirto in laga cafiyo amaahda lagu leeeyahay iyada oo u mareysa waddada deyn cafinta ee wadamada soo Koraya.

Ms Kristalina Georgieva, ah agaasimaha IMF oo kulan kula qaadatay magaalada Washington Raysal wasaaraha xukuumadda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay wado dadaalo lagu kalsoonaan oo karo oo ay la dhacday.

Dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii ay xilka qabatay dadaal ugu jirta sidii dalalka deynta ku leh Soomaaliya ay iskaga saamixi Lahaayeen.

Amaahda lagu leeyahay Soomaaliya ayaa ah $4.7 billion, waxaana dowlada ay dooneysaa in laga saamaxo sida ay marar badan sheegeen mas’uuliyiinta Soomaaliya.

Ms Kristalina Georgieva, ayaa ugu dambeyn bayaankeeda ku sheegtay in Soomaaliya ay garab taagan tahay si looga Cafiyo lacagta lagu Leeyahay.

Hey’adda IMF ayaa labadii sanno ee la soo dhaafay sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya oo soo kobcayo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top