Connect with us

somalilandtoday.com

62 Qof Ayaa Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Masaajid Ku Yaalla Dalka Afghanistan

focus

62 Qof Ayaa Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Masaajid Ku Yaalla Dalka Afghanistan

(SLT- Afghanistan)-Ugu yaraan 62 qof ayaa ku dhimatay tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay masaajid ku yaalla dalka Afghanistan, xilli ay socotay salaaddi Jimcaha ee shalay, sida ay saraakiil sheegeen.

Weerarkaasi ayaa imaanaya maalin un ka idb markii QM ay sheegtay in fowdada dalkaasi ka jirta ay gaadhey heer aan la aqbali karin.

Qaraxa, oo sida ay goob joogayaal sheegeen sababay in uu masjidka soo dumo, ayaa ka dhacay gobolka bariga ku yaalla ee Nangarhar, waxana ku dhaawacmay 55 qof oo kale, sida uu xaqiijiyey afhayeen u hadlay maamulka gobolka Attaullah Khogyani, oo AFP la hadlay.

Khogyani ayaa sheegay in dhammaan dadka dhintay ay masjidka u tageen inay salaadda khudbada ku soo dukadaan, gaar ahaan deegaanka Haska Mina oo 50 KM u jirta caasimadda gobolka ee Jalalabad.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, oo aan illaa iyo hadda la shaacin nooca uu ahaa.

Gobolka, ayaa waxaa a howl-gala kooxda Taliban iyo kooxda isku magacowday dowladda Islaamiga ah ee Daacish .

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top