Connect with us

somalilandtoday.com

Macalimiinta Dugsiyadda Ee Magaalada Chicago Oo Shaqa Joojin Sameeyay

News

Macalimiinta Dugsiyadda Ee Magaalada Chicago Oo Shaqa Joojin Sameeyay

(SLT-Chicago)-Maamuleyaasha iskuulada iyo macalimiinta Chicago ayaa ku dhawaaqay shaqa joojin taasi oo ka dhigan in aanay xaadiri doonin iskuulada inta dowlada ay tixgalineyso tabashadooda.

Inkabadan 32,500 macalin iyo shaqaalaha kale iskuulada ayaa dibadbax ay ku hakinayaan shaqadooda waxay ka dhigeen magaalada Chicago.

Shaqa joojintaan ayaa waxay saameyn ku yeelatay 300,000 oo arday oo ku nool magaalada.

Chicago ayaa ah degmada sadaxaad ee ugu ardayda badan guud ahaan wadanka Mareykanka.

Barayaasha ayaa ka cabanaya cadhiidhi ka jira fasalada taasi oo ka dhigan in dowlada Mareykanka ayna maalgalin goobaha waxbarashada iyo Iskuulada gobolka oo aan laheyn qaarkood goobaha lagu keydiyo Buugaagta.

Ugu dambeyn Macalimiinta ayaa dalbaday dowlada in shaqaalaha gurmadka ay geyso Iskuulada si xaaladaha deg dega ay u Xaliyaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in News

To Top