Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Mexico Oo Mustaafurisay Boqolaal Qof Oo Ajaaniib Ah

focus

Dawladda Mexico Oo Mustaafurisay Boqolaal Qof Oo Ajaaniib Ah

(SLT- Mexico)-Dowlada Mexico ayaa dalkeeda ka mustaafurisay 311 oo qof oo u dhashay dalka Hindiya, sida uu sheegay machadka qaran ee Muhaajiriinta.

Arrintaan ayaa imaaneysa kadib heshiis bishii June ay wadagaleen Mareykanka iyo Mexico kaasi oo khuseeyay waxka qabashada soo galootiga.

Washington ayaa ku hanjabtay in Mexico ay saari doonto cunaqabateyn dhaqaale haddii ay wax ka qaban qulqulka Muhaajiriinta.

Soo galootiga Hindida ayaa dhammaantood ahaa ragg marka laga reebo hal haweeney ah, waxaana laga dajiyay madaarka magaalada Delhi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top