Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Koonfur Afrika

focus

Nin Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Koonfur Afrika

(SLT- Johannesburg)-Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay dileen muwaadin Soomaali ah oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee ganacsiyada ku leh gudaha dalkaas.

Allaha u naxariistee muwaadinka Soomaaliga ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Abdijibaar Abdullaahi jimcaale, waxaana lagu dilay deegaano ka fog Magalada Johannesburg oo ganacsi uu u lahaa kadib markii ay goobtiisa ganacsi ugu galeen koox budhcad ah oo hubaysan.

Ganacsato kale oo Soomaali ah kuna nool dalka Koonfur Africa ayaa xaqiijisay in xalay la dilay Allaha u naxariistee Abdullaahi jimcaale, iyada oo ay xusid mudantahay sidaan oo kale in dhowr jeer loo dilay Ganacsato Soomaali ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top