Connect with us

somalilandtoday.com

35 Qof Oo Ku Jiray Acmaasha Cumrada Oo Ku Dhintay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Waddada Maka Iyo Madiina

focus

35 Qof Oo Ku Jiray Acmaasha Cumrada Oo Ku Dhintay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Waddada Maka Iyo Madiina

(SLT-Makka)-Wararka ka imaanaya dhulka Xarameynka ee Sacuudiga ayaa sheegaya in tobaneeyo qof ay dhinteen kuwa kalane ay dhaawacmeen kadib markii uu shil galay gaadhigii ay la socdeen.

Ugu yaraan 35 qof muslimiin Muctamiriin ah ayaa ku dhintay shil naxdin leh oo ka dhacay wadada xidhiidhisa magaalooyinka Barakaysan ee Madiina Al Munawarah iyo Makka Al Mukarrama.

Afhayeen u hadlay booliska dowladda Aala Sacuud ayaa warbaahinta u sheegay in gaadhi bas ah oo ay la socdeen dad cimraysanaye uu ku dhacay gaadhi kale waxaana ka dhashay musiibo lama filaan ah.

Dadka ku dhintayn shilkan ayaa badanaa kasoo jeeda qaaradda Asia kuwaas oo doonayay in ay ucumaraystaan dhulalka barakaysan.

Dadka ku dhaawacmay shilka oo gaadhaya illaa 4 qof ayaa ladhigay cisbitaalka guud ee magaalada Madiina.

Ilaa hadda lama helin magacyada iyo wadamada ay kasoo kala jeedaan dadkii ku dhintay shilka Gaadhi oo ahaa mid si weyn looga hadal hayo guud ahaan dalka Sacuudiga.

Maahan markii ugu horreysay oo shilal noocaan oo kale ah ay ka dhacaan dalka Sacuudiga, waxaana ugu dambeeyey midkii ay ku dhinteen muwaadiniin badan oo u dhashay dalka Ingiriiska.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top