Connect with us

somalilandtoday.com

Wasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Gobolka Sanaag Ka Fulisay Hawl-gallo Badbaadint Deeganka Ah

focus

Wasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Gobolka Sanaag Ka Fulisay Hawl-gallo Badbaadint Deeganka Ah

(SLT-Sanaag)-Wasaarada Deegaanka iyo reer Miyiga Somaliland ayaa ka fulisay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag hawlgallo lagula dagaalamayo dadka xaalufinta ku haya deegaanka.

Isuduwaha Wasaarada Deegaanka iyo Reer Miyiga ee Gobolka Sanaag Cabdi Warsame Xirsi aya sheegay in ay soo baabiyeen Beero loo ootay si Sharci darro ah waxaanu intaa ku daray in Maxkamada la soo taagi doono cidii lagu soo qabto iyadoo shidaysa dhuxusha,

Cabdi Warsame Xirsi oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi“Waxaanu soo kormeernay jiidaha Koonfurta iyo Waqooyiga Gobolka Sanaag waxaanan ka hortegaynaa xaalufinta deegaanka iyo nabaad guurka iyo dhuxul shidista babiinta seerayaasha la ootay ee dadku doonayaan in ay kaligood nooladaan,waxaanan soo maray 12 deegaan waxaanan soo baabiinay beero si sharci darro ah loo ootay Maxkamada ayaana la soo tagi doonaa ciddii seerayaashaa sharci darada ah oodatay ”.

Sidoo kale Maamulaha Degmada Ceerigaabo ee Wasaarada Deegaanka iyo Reer Miyiga Axmed Maahir Cabdi,ayaa digniin u diry gaadiidka dhuxusha qaada,waxaanu yidhi. “Waxaanu ka hawl galnay jiidaha koonfurta gobolka Sanaag waxaana la soo qabtay shan nin oo gubayay dhirta waana la soo qabtay waxaan u mahadcelinayaa waayeelka deegaankaas iyo Ciidamada Qaranka iyo Booliska,waxa kale oo aan u mahacelinayaa Guddoomiyaha Gobolka Sanaag waxaanan u digaynaa in gacan bira lagu qaban doono gaadiidka dhuxusha soo qaada ee Gobalada kale ka yimaada ee dhibaatada ku haya deegaanka haddii aanay joojin dhuxushaa ay shidayaan,cawaaqib xumo ayaanay la kulmi doonan dadka dhuxusha shidaya iyo gaadiidkaa lagu soo rarayaaba.”.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top