Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Putin Oo Boqorka Sacuudiga Hadyad Ahaan Ugu Geeyay Shimbir Laga Helo Dalka Ruushka Oo Kaliya.

focus

Madaxweyne Putin Oo Boqorka Sacuudiga Hadyad Ahaan Ugu Geeyay Shimbir Laga Helo Dalka Ruushka Oo Kaliya.

(SLT-Moscow)-Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz hadiyad ahaan ugu geeyay Shimbir nooceeda uu dhif yahay oo laga helo waddanka Ruushka oo kaliya.

Shimbirtan oo u eg sida gorgorka ayaa lagu magacaabaa Arctic falcon, ama gyrfalcon, waxaana laga helaa gacanka Kamchatka ee ku yaalla bariga fog ee dalka Ruushka.

Waxaa jira kumannaan xabo oo ka mid ah shimbirkan, wuxuuna halis ugu jiraa inuu dabar go’o.

Muuqaal lagu shaaciyay telefishinnada ruushka iyo Sacuudiga iyo qaar ka mid ah baraha bulshada ayaa laga arkayay boqor Salmaan oo u muuqda inuu aad ula dhacsan yahay hadiyadda qeyrul caadiga ah.

Booqashada uu Putin Isniintii ku tagay Sacuudiga ayaa ahayd mid qeyrul caadi ah, waana tii ugu horreysay ee uu halkaas ku gaadho tan iyo sanadkii 2007-dii.

Waxaa la filayaa in hoggaamiyaha Ruushka uu Sacuudiga uga sii gudbo waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta, si uu usii xoojiyo xidhiidhka kala dhaxeeya dalalka bariga dhexe.

Intii kuu ku sugnaa Riyaad Sacuudiga wuxuu madaxda boqortooyada Sacuudiga kala hadlay arrimo badan oo khuseeya cilaaqaadka labada dal iyo wadashaqeynta dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo ganacsiga saliidda.

Qodobbada uu sida gaar ah ugala hadlay hoggaamiyeyaasha Sacuudiga waxaa ka mid ahaa amniga gobolka, khaasatan cadawtooyada u dhaxeysa Sacuudiga iyo Iiraan, sida ay shaaciyeen qaar ka mid ah warbaahinta carabta.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top