Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Turkiga Oo Ku Gacan Saydhay Baaqyada Beesha Caalamka

focus

Madaxweynaha Turkiga Oo Ku Gacan Saydhay Baaqyada Beesha Caalamka

(SLT-Ankara)-Turkiga ayaa ku gacan seedhay cadaadiska caalamiga ah ee lagaga dalbanayo inay joojiso hawl-galka millatari ee ka dhanka ah Kurdiyiinta ee ciidamadeeda ay ka wadaan Waqooyiga Suuriya.

Dagaal xooggan ayaa maanta ka socda magaalada xuduudda Suuriya ku taalla ee Ras a-Ain, ayada oo ciidamada Kurdiyiinta ay isku dayayaan inay sii haystaan magaalada, iskana caabiyaan ciidamada kale ee Syria ee Turkiga uu taageero.

Weriye ka tirsan AFP ayaa sheegay in dagaalka magaalada uu weli socdo, inkasta oo Ankara ay dhowr jeer sheegtay inay gacanta ku dhigtay magaalada.

Tan iyo markii dagaalka uu billowda 9-kii October, ciidamada Turkiga uu taageerayo ayaa qabsaday in ka badan 100 km oo dhulka xuduudda ah, hase yeeshee Ras al-Ain iyo Siri Kani ayaan weli gacanta usoo gelin.

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa weriyayaasha u sheegay “waxay na lee yihiin ‘xabad-joojin ku dhowaaqa’. Weligeen xabad-joojin ku dhowaaqi mayno.”

“Insha Allah, waxaan dhowaan gacanta ku dhigi doonnaa dhul ku teedsan Manbij illaa xuduudeenna Ciraq,” ayuu yidh Erdogan.

Hawl-galkan ayaa taageero ballaadhan ka haysta gudaha Turkiga, halkaasi oo dagaal jabhadeyn ah oo sannado badan ay wadeen Kurdiyiinta dalkaas ay ku dhinteen kumanaan qof.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top