Connect with us

somalilandtoday.com

HARGEYSA: Muwaadin Reer Somaliland Ah Oo Sifo Sharci-darro Ah Muddo 4 Sanno Ah Ugu Xidhan Shirkad Caan Ah

focus

HARGEYSA: Muwaadin Reer Somaliland Ah Oo Sifo Sharci-darro Ah Muddo 4 Sanno Ah Ugu Xidhan Shirkad Caan Ah

(SLT-Hargeysa)-Muwaadin Mukhtaar Xuseen Cali ayaa muddo 4 sanno xukun la’aan ugu xidhan magaalada Hargeysa.

Muwaadinkan ayaa waxa uu u xidhan yahay shirkadda Alxarbi ee ay mulkiyadeeda leeyihiin ee ilma faarax Xarbi sida uu sheegay garyaqaan Garyaqaan Jamaal Xuseen Mandeela.


Garyaqaan Jamaal Xuseen Mandeela ayaa waxa uu ku yidhi qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook sida tan:


“Mukhtaar Xuseen Cali oo u xidhan dacwad ay dhibane ka tahay shirkada Alxarbi ee ilma faarax Xarbi waxa uu xidhan yahay tan iyo 27/8/2015 oo la xidhay.

Mudada intaas leeg ee uu eedeysanahaasi xidhnaa afar sano waxa uu ahaa rumaan. sharciyanna mudada u badan ee eedeysane rumaan ahaan karaa waa mudo 90 cisho ah.Taasi oo iyana aan la ogolayn sabab la’aan.

Waxa taa ka daran imika oo afar bilood ka hor dhagaysiga dacwadiisa la bilaabay. Hadana ma jirto wax go’aan ah oo ilaa hadda maxkamada ka soo baxay!.

Hadaba iyadoo eedeysanahaasi marka la eego danbiga loo haysto,hadiiba lagu heli lahaa uu maanta xadhiga dhamaysan lahaa, waxa aanu ugu baaqaynaa garsoorka in uu cadaalada ilaaliyo oo uu xayndaabka sharciga ku soo noqdo.Eedeysanahaas mudada intaa leeg xukun la’aanta xabsiga iskaga jiray na uu cadaalad helo,oo si dhakhso ah dacwadiisa loo dhamaystiro, islamarkaana xukun cadaaladeed uu helo.

Waa ku ceeb bahda garsoorka,waana jawr iyo cadaalad daro weyn in mudo afar sano ah uu qof bilaa xukun xabsiga ugu jiro oo uu rumaan u ahaadaa.

Waligeedna intii dacwado garsoorka soo maraysay,xataa kuwa argagaxisada loo haysto may dhicin in qof mudo intaas leeg uu rumaan iska ahaado.

Iga dhan!.”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top