Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Kuwait Oo Diyaarineysa Shir Lagu Taageerayo Soomaaliya

focus

Dawladda Kuwait Oo Diyaarineysa Shir Lagu Taageerayo Soomaaliya

(SLT- Kuwait)-Ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Kuwait Khaled Al-Jarallah ayaa shaaciyey in wadankiisa uu marti gelin doono shir lagu taageerayo Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkaas oo ah mid Soomaaliya looga caawinayo dhanka Waxbarashada waxaanu dhici doono sanadka soo socdo ee 2020 kaasoo lacago loogu deeqi doono.

Wakaaladda Wararka ee dalka Kuwaite ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan (KUNA) ayaa sheegtay in Al-Jarallah uu Axadii hoggaamiyey kulan loogu diyaar garoobayo shirkaas loogu deeqayo Soomaaliya oo noqonayo midkii ugu horreeeyey noociisa ah oo ay soo diyaariyaan Dowladaha Khaliijka.

Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa la kulmay Diblomaasiyiin u dhashay Dalka Kuwait iyo xubno ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada ee dalkaas si ay uga wada hadlaan sidii uu u dhici lahaa shirkaas lagu taageerayo Soomaaliya lagana hortago wax walba oo keeni karo inuu shirkaas baaqdo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top