Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa mudadii ay halkaasi marayeen waxa ay hawlgalo ka sameeyeen xeebaha badda Somaliland, kuwaas oo soo qabtay 22 doonyood oo badda Somaliland si sharci darro ah uga kalluumaysanayey.
Soo dhaweyntaasi ay u sameeyeen masuuliyiinta gobolka Selel iyo taliska ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ee Saylac kadib waxa halkaasi ka hadlay masuuliyiintii weftiga horkacayey.
Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Illaahay ayaa na nabadkeenay safar dheer ka dib, waxaanu safar ku soo jirnay 12 saacadood oo badda ah, waxa uu ahaa safar taariikhle runtii. Aniga iyo weftiga aanu wada socono ee Jananku u horeeyo, Injineerka dekedaha Somaliland, ku xigeenka hay’adda ka hortaga aafooyinka Qaranka, taliyaha saldhiga koowaad ee Berbrera ee Ciidanka ilaalada Xeebaha, runtii waxaan idiinka mahadcelinayaa sida sharafta iyo karaamada leh ee aad noo soo dhaweyseen. Waa markii koowaad, inkastoo uu jeegay maareeyahayagii dekeda ee Saylac.
Mudo dheer ayaan doonayey inaan imaado oo aan badda soo maro, taas oo aanu ku guulaysanay intii aanu safarka ku soo jirnay, mudada dheer ee aad na sugayseen waxa nagu kalifay ama sababay oo aanu la kulanay kalluumaysato sharci daro ah oo uu talaabo adag ka qaaday taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha iyo ciidankiisuba, runtiina nala socda isagaana faahfaahin ka bixin doona.
Markaa mar labaad iyo mar saddexaadba mudada dheer ee aad na sugayseen, waxaan idiinka mahadcelinaynaa sida wanaagsan ee aad noo soo dhaweyseen.” Ayuu yidhi Maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi.
Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Taliyaha guud ee Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Sareye Guuto Maxamed Xuseen Xiirane, kaas oo faahfaahin ka bixiyey safarkii dhinaca badda ah ee ay soo galeen iyo hawlgaladii ay ku soo qabqabteen kooxaha sida sharci darada ah uga kalluumaysanayey badda Somaliland.
Sidaa darteed, waxay noqotay safarkii ugu horeeyey inaanu idinka idin siino, waananu la kulanay doonyo baddan oo labaatameeye gaadhaya, Naakhuudayaashii waanu ka soo dajinay, wixii sharciya iyo wixii kale waynu arki doonaa,” ayuu yidhi Taliyaha guud ee Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Sareye Guuto Maxamed Xuseen Xiirane.
Dhinaca kale ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ayaa badda intii ay ku soo jireen waxa ay ku soo sameeyeen dhoolatus ay wakhti dheer ku qaateen badda iyagoo gaaf-wareegay xeebaha badda Somaliland oo ay ku soo qabqabteen doonyo ka kalluumaysanayey.