Connect with us

somalilandtoday.com

Millatariga Turkiga Oo Magaalo Muhiim Ah Kala Wareegay Maleeshiyada Kurdida Ee Ku Sugan Suuriya

focus

Millatariga Turkiga Oo Magaalo Muhiim Ah Kala Wareegay Maleeshiyada Kurdida Ee Ku Sugan Suuriya

Millatariga Turkiga iyo maleeshiyo Suuriyaan ah ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada Raas- Al-Ceyn ee dhacda waqooyiga galbeed ee Suuriya, sida uu sheegay sargaal ka tirsan dowlada Turkiga.

Weerarka Turkiga ku qaaday Suuriya ayaa galay maalintii afaraad iyadoo looga gol leeyahay in maleeshiyada Kurdiyiinta ee YPG in looga saaro deegaanada ay kaga sugan tahay xadka Turkiga uu la leeyahay Suuriya.

Dhanka kale maleeshiyada YPG ayaa beenisay in aroornimada saaka oo sabti lagala wareegay gacan ku heynta magaalada Raas Al-Ceyn.

Si kastaba ha ahaatee dagaalada xoogan ee ka socda gobolka Idlib ayaa waxaa ku barakacay kumanaan qoys oo u badan caruur iyo Haween.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top