Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Israa’iil Oo Hawlgalka Turkiga Ee Suuriya Ku Tilmaamay Isir Sifayn

focus

Raysal Wasaaraha Israa’iil Oo Hawlgalka Turkiga Ee Suuriya Ku Tilmaamay Isir Sifayn

(SLT-Tel Aviva)-Raysal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa si adag u cambaareeyey hawlgalka milatari ee Turkigu uu ku qaaday maleeshiyaadka Kurdishka ah ee waqooyiga dalka Suuriya ku sugan, waxaanu sheegay inay suuragal tahay inay dhacdo isir sifayn ka dhan ah Kurdishka Suuriya.

“Israel waxa ay si xoogan u cambaaraynaysaa hawlgaka dhulka Kurdishka Suuriya uu ku qalay Turkigu, waxaanay ka digaysaa dagaal Isir Sifayn ah oo Kurdishka ka dhan ah,” ayuu Raysal Wasaaraha Israe Benjamin Netanyahu uu ku sheegay qoraa uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, waxaanu intaasi ku daray “Israel waxa ay diyaarinaysaa inay fidiso kaalmo gargaar bani’aadanimo oo ay gaadhsiiso dadka Kurdishka ah ee dagaalka lagu soo qaaday.

Dhinaca kale wararka ka imanaya waqooyiga Suuriya ayaa sheegaya in dagaal culus iyo duqayn uu dalka Turkigu dib ugu riixay maleeshiyaadka Kurdishka ee dalka Suuriya, dagaaladan ku barakacay dad aad u tiro badan oo rayid ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top