Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxwaynihii Hore Ee Soomaliya Iyo G, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Ayaa Goor Dhawayd Ka Degay Jubbaland.

focus

Madaxwaynihii Hore Ee Soomaliya Iyo G, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Ayaa Goor Dhawayd Ka Degay Jubbaland.

Muqdisho (Somaliland Today) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo hoggaaminaya xubno ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ayaa goor-dhow u dhoofay magaalada Kismaayo.

Waxaa sidoo kale safarka ku wehliya guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Wafdigan ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Madoobe oo dhowaan ka dhaceysa magaalada Kismaayo.

Waxaa kasii horreeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo iyganana ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaga oo kusii jeeda magaalada Kismaayo.

Wafdiga Xasan Sheekh ayaa waxaa ku jira xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ah xisbiga uu hoggaamiyo ee Nabadda iyo Horumarka ee UPD.

Magaalada Kismaayo waxaa saaka gaaray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana horey ugu sugnaa madaxweynayaashii hore Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Safarrada xubnahan ayaa imanaya ayadoo ay fashilantay xayiraaddii duulimaad ay dowladda federaalka saartay magaalada Kismaayo.

SomalilandToday

Muqdisho Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top