Connect with us

somalilandtoday.com

Iiraan Oo Shuruud Ku Xidhay Wada Xaajood Ay La Gasho Sacuudiga

focus

Iiraan Oo Shuruud Ku Xidhay Wada Xaajood Ay La Gasho Sacuudiga

(SLT-Iran)-Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan Maxamed Javad Zarif in Iiraan ay wadahadal la gali doonto Sacuudiga haddii xukuumadda Riyaad ay badasho siyaasada cakiran ee gobolka iyo dilalka dadka Rayidka.

Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa toddobaadyo ka hor ugu ugu baaqay xukuumadaha Baqdaad iyo Islamabad in ay la hadlaan Iiraan si loo dajiyo xiisada ka jirta gobolka, sida ay saraakiisha dalalkaan u xaqiijiyeen majalada Newyork.

Mr Zarif ayaa tilmaamay hadii in marwalba Iiraan ay diyaar u tahay in la xaliyo qilaafka gobolka balse waxuu shuruud ku xidhay in Sacuudiga ay joojiso xasuuqa ay ku heyso dadka rayidka ee u dhashay Yemen.

Sacuudiga ayaa u muuqda todobaadyadii la soo dhaafay mid daneynaya in la soo afjaro qilaafka kala dhaxeeya Iiraan tan iyo markii la weeraray laba warshad oo ay leedahay shirkada shidaalka Sacuudiga ee Aramco.

Intii uu socday shirkii 74-aad ee qaramada midoobay ayaa madaxweynaha Iiraan Maxamed Ruuxaani wuxuu sheegay in uu shir ku casuumayo wadamada ay saameysay xiisada bariga dhexe si looga hadlo arimaha Nabadgelyada.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top