Connect with us

somalilandtoday.com

Pakistan Iyo Shiinaha Oo Ka Wadahadlaya Xiisadda Ka Taagan Gobolka Kashmiir

focus

Pakistan Iyo Shiinaha Oo Ka Wadahadlaya Xiisadda Ka Taagan Gobolka Kashmiir

(SLT- Kashmiir)-Raysal wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa u safray wadanka Shiinaha oo booqasho laba maalmood ah ku qaadano, waxaana uu kala hadli doonaa xiisadda gobolka Kashmiir.

Mr Khan ayaa kulamo la qaadan doono madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo Raysal wasaarihiisa Li Keqiang.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Imran Khan ayaa lagu sheegay in in booqashadan ay noqoneyso tii sadaxaad tan iyo markii xilka loo doortay bishii Agoosto ee sannadkii Hore.

Xukuumada Islamabad ayaa dooneysa in ay xoojiso xidhiidhka ganacsi iyo midka amni ee kala dhaxeeya Shiinaha.

Pakistan ayaa aad ugu cadhootay xayiraada bishii hore ay Hindiya ku soo rogtay dhulka muslimiinta ee Jamu Kashmiir, waxaana Pakistan ay xidhiidhka diblumaasiyadeed u jartay dowlada Delhi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top