Connect with us

somalilandtoday.com

HARGEYSA: Ciidammada Booliska Oo Xidhay Agaasimahii Talefeshinka Universal Ee Somaliland

focus

HARGEYSA: Ciidammada Booliska Oo Xidhay Agaasimahii Talefeshinka Universal Ee Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Ciidammada Booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay agaasimahii Talefeshinka Universal ee Somaliland, Maxamed Caabi Digaale.

Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah suxufiyiinta ka hawl-galaTalefeshinka Universal, agaasimaha ayay ciidanku ugu galeen xafiiskiisa xilli shaqo badan ay socotay, kadibna xabisga u dhaadhiciyey.

Xarunta Hargeysa ee Universal ayaa markii ay ciidanku galayeen waxaa ku sugnaa agaasimaha iyo shaqaale kale oo shaqo maalmeedkooda caadiga ah watay.

Lama oga illaa iyo hadda sababta ay ciidanka Booliiska Somaliland u xidheen agaasimaha, mana jirto faah faahin dheeraad ah oo ay ka bixiyeen xadhiggiisa.

Warkan wixii ka soo kordha kala soco Somalilandtoday.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top