Connect with us

somalilandtoday.com

Xafladda Caleema Saarka Axmed Madoobe Oo Markale Dib U Dhacay Iyo Sababta

focus

Xafladda Caleema Saarka Axmed Madoobe Oo Markale Dib U Dhacay Iyo Sababta

(SLT-Kismaayo)-Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed (Jindi) oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey in markale dib loo dhigay xafladda caleema saarka ee Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Jindi oo wareysi siiyey Idaacadda Risaala ayaa sababta ku sheegay in weli ay caqabado ka jiraan safarada lagu tagayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xayiraada dowladda Soomaaliya ay saartay Kismaayo ay saameysay dhammaan mas’uuliyiinta iyo xubnaha ka soo qeyb gali lahaa munaasabadda.

“Way iska cadahay adeer sababtu wax kale ma’ahin carqalado fara badan ayaa waxa ay ka timid safaradii lagu soo aadi lahaa Kismaayo.” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdirisaaq Jindi.

Xildhibaanku Muu shaacin xilliga rasmiga ah ee la qabanayo caleema saarka, balse wuxuu carabka ku dhuftay in xafladda ayna dhaafi doonin todobaadka dambe.

Khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa sii xoogeysanaya, iyadoona xalay dowladdu ay soo saartay habraaca doorasho ay ka qabaneyso maamulkaasi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top