Connect with us

somalilandtoday.com

Wadahadalo U Bilaamaya Sacudiga Iyo Iran

focus

Wadahadalo U Bilaamaya Sacudiga Iyo Iran

(SLT-Riyadh)-Dowladda Sacudi Carabiya iyo Iran ayaa bilaabaya wadahadalo aan toos ahayn oo labada dal yeeshaan si loo dejiyo xiisadda ka jirta bariga dhexe.

Sida uu daabacay wargeyska New York Times Dhaxal Sugaha Sacudi Carabiya Amir Maxamed Bin Salman ayaa ka codsaday hoggaamiyaasha Ciraq iyo Pakistan inay soo faro-geliyaan xiisadda ka dhalatay weerarkii lagu qaaday ceelasha saliida ee Sacudi Carabiya.

Maraykanka iyo Sacudi Carabiya ayaa ku eedeeyay weerarka duqeynta ah dowlada Iran waxaana dhaawac lagu gaadhsiiyay soo saarista saliida dalka Sacudi Carabiya oo boqolkiiba shan hoos u dhac ku yimid, inkastoo xooggaga Xuutiyiinta Yemen ay sheegteen inay ka dambeeyeen duqeynta.

Diidmada uu diiday Madaxweynaha Maraykanka Trump in uu jawaab millatari ka bixiyo duqeynta ayaa shaki gelisay madaxda boqortoyada Sacudi Carabiya daacadnimada Maraykanka ee dhinaca ammaanka taasoo muddo tobanaan sanno ahayd mid wanaagsan.
Wargeyska ayaa qoray ka jawaabis la’aanta Maraykanka inay soo dedejisay in Sacudigu uu raadiyo xal kale oo lagu soo afjarayo khilaafka.

Dowladda Sacudiga ayaa u sheegtay Times in maamulada ka jira magaalada Baqdad iyo Islamabad ay ka timid in la galo dhexdhexaadin halka hore loo sheegay inn MBS uu lahaa codsiga.

Dowlada Iran ayaa iyaduna sheegtay inay diyaar u tahay in ay wadahadal la gasho maamulka Riyadh.

Xidhiidhka Sacudi Carabiya iyo Iran ayaa xumaa sannadihii la soo dhaafay iyadoo dal walba uu dhinac kale ka istaagay khilaafaadka ka jira bariga dhexe sida dagaalada Yemen iyo Suuriya.

Dowlada Sacudi Carabiya ayaa ku taageertay Dowlada Maraykanka cunoqabataynta xooggan ay dul dhigtey dalka Iran.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Trump oo ku saabsan go’aanka cusub ee ay qaadatay Sacudi Carabiya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top