Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Soomaali Ah 60 Kun Oo Dollar Lagaga Dhacay Huteel Ku Yaalla Magaalada Nairobi.

focus

Nin Soomaali Ah 60 Kun Oo Dollar Lagaga Dhacay Huteel Ku Yaalla Magaalada Nairobi.

(SLT-Nairobi)-Muuqaal ay duubtay Kamaradda Qarsoon ee loo yaqaano CC Tv ayaa muujinaya nin Soomaali ah oo Lacag dhan Lixdan kun oo Dollar lagaga dhacayo Huteel ku yaalla Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi.

Muuqaalkan oo ay baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa muujinaya Ninkan oo Nin kale ay iska raacayaan Goobta Huteelka laga Maamulo ama Dadka gelaya laga hago, ka dibna muuqaalka ayaa ku tusaya Ninka Soomaaliga ah oo ay daba socdaan Saddex Nin oo loo malaynayo inay yihiin Kenyaan, ka dibna Kamaradda waxa ka soo baxaya ninka oo qol ay saddexda Nin sii fadhiyeen la galaya bac uu Lacag ku sido, daqiiqado ka dibna waxa qolkii iyagoo yaacaya ka soo baxaya Ragga loo malaynayo inay lacagta dhaceen.

BBC-du ma sheegin Magaca Ninka Soomaaliga, balse waxay sheegtay inuu yahay Sarifle, xilliga la dhacayeyna loo sheegay inuu lacag sarrifayo, laakiin la dhacay.

MUUQAAL AY DUUBTAY KAAMARADA CCTV

Ganacsade looga dhacay lacag gaaraysa 60 kun oo dollor hoteel ku yaala xaafada Islii ee Nairobi.

Posted by BBC News Somali on Monday, October 7, 2019

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top