Connect with us

somalilandtoday.com

“Wakiilka Jabuuti U Fadhiya Somaliland Si Xuna Oo Aan Loo Baahnayna Ayuu U Hadlay, Sidaas Darteed In Uu Dalka Ka Baxo Oo Uu Dalkiisa Ku Laabto Ayaa U Haboon…” Siyaasi Cabdi Haybe

focus

“Wakiilka Jabuuti U Fadhiya Somaliland Si Xuna Oo Aan Loo Baahnayna Ayuu U Hadlay, Sidaas Darteed In Uu Dalka Ka Baxo Oo Uu Dalkiisa Ku Laabto Ayaa U Haboon…” Siyaasi Cabdi Haybe

(SLT-Hargeysa)-Cabdi Haybe Maxamed oo ah Xoghayaha hawlaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaanu si gaar ah uga hadlay hadaladii dhawaan ka soo yeedhay qaar ka mid ah wasiiradda xukuumadda Muuse Biixi, hadalkii wakiilka Jabuuti u fadhiya Somaliland iyo qodobo kale.

Cabdi Haybe Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya hadalkii Wakiilka Jabuuti ayaa yidhi “Wakiilka Jabuuti u fadhiya qunsilyada Jabuuti ee Somaliland,hadalku uu ka dhacay, oo hadal dimblamaasi kumuu hadal, si xuna oo aan loo baahnayna uu u hadlay, sidaas darteed Wakiilkani inuu dalka ka baxo oo uu dalkiisa ku laabto ayaa u haboon, ta kale Safiirkii Jabuuti wuxuu fadhiya Muqdisho, Safiirkii Turkiguna wuxuu fadhiya Muqdisho, halkana waxa ka dhisan Qunsiliyado, taas ayey nasiib daro Xukuumaddu ogolaatay, iyada oo macnaheedu noqonayo in Muqdisho aynu wax badan u daba fadhino, waxaana xusid mudan in Turkigu aanu inaga waxba ina tarin, halka uu caawiyo Somaliya, ciidamadana uu u tababaro, wax walbana uu la garab taagan qunsiyadaha aynu ogolaanay iyo safaradaha muqdisho ka dhisani waxay inoo horseedeen in maamul goboleed Somaliya ka mid ah la inagu tiriyo”.

Mar uu jawaab ka bixinayey hadalo ka soo yeedhay qaar ka mid ah Wasiiradda Xukuumadda oo dhaliilay Xisbiga Waddani iyo Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ayaa yidhi “Anigu waxaan xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale, waxaan soo noqday Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha, ninka masuulka ah ee xilka umadda haya waxaa looga baahan yahay inuu garto xilka iyo masuuliyad uu hayo, waxaa looga baahan yahay inuu aad uga fiirsado hadalada afkiisa ka soo baxaya, Xasan Gafaadhi wuxuu ka sheegay Xisbiga Waddani, halka uu Maxamed Kaahina wax ka sheegay Musharaxa Madaxweyne Ku xigeenka Xisbiga Waddani, waxaan leeyahay marka aad idinku cid wax ka sheegaysaan dib iskugu noqda, oo idinku isa saxa, Xisbiga Waddani iyo Maxamed Cali, dhaliil ma leh, ee idinka ayaa dhaliisha leh, Xisbiga Waddani-na Xisbiga dalka uga lexe-jeclo badani ma jiro, halka uu maanta dalku marayo, Jabhadaha jira,cadaalada darada iyo saluuga la muujinayaba, waa waxay sabab u tahay Xukuumaddu,ee Maxamed Kaahin iyo Xasan Gafaadhi xilkooda hoos ha u eegaan,oo masuuliyada wasiirnimo ha gartaan, Masuuliyiinta xilalka ka haya Xukuumaddan ha bartaan nidaamka loo hadlo”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top