Connect with us

somalilandtoday.com

Maraykanka Oo 5 Million Dollar Ku Raadinaya Mid Ka Mid Ah Hoggaamiyeyaasha Daacish

focus

Maraykanka Oo 5 Million Dollar Ku Raadinaya Mid Ka Mid Ah Hoggaamiyeyaasha Daacish

(SLT-Niger)-Dawladda Maraykanka ayaa 5 Million oo Dollar u ballan-qaadday Cidda keenta Xog lagu qaban karo Madaxa Kooxda Daacish ee ka dhaqdhaqaaqda Saharaha Afrika, kooxdaasi oo sheegatay Masuuliyadda jid-goyn lagu laayey Afar Askarta Maraykanka ah oo ku sugnaa Niger, laba sanadood ka hor.

Adnan Abu Walid Al Sahrawi oo ah Madaxda Kooxda la baxday dawladda Islaamka ama Daacish, qaybteeda dhulka yaqaano Saharaha weyn ayaa lagu xidhiidhiyey weerar 4-tii October, 2017 lagu qaaday Ciidamo Nigerian iyo Maraykan ah oo hawl-gal ka waday duleedka tuulada Tongo Tongo, kuwaasi oo inta jidka loo galay laga dilay Afar ka mid ah Ciidammadii Maraykanka, halka Afar Ciidammada Nigeria ahna isla jid-gooyadaa lagu dilay.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegaysa in 5 Million lagu abaal-marinayo Cidda keenta Xog sheegaysa halka uu ku sugan yahay Abu Walid, sida lagu sheegay War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top