Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Puntland Oo Kulan Deg-deg Ah Is Kugu Yeedhay Golihiisa Wasiirrada

focus

Madaxweynaha Puntland Oo Kulan Deg-deg Ah Is Kugu Yeedhay Golihiisa Wasiirrada

(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani ayaa la filayaa saacadaha soo socda in uu kulan la qaato xubnaha golihiisa Wasiirrada kulankaas oo lagaga hadlayo arrimo xasaasi ah.

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in kulankaan oo lagu wargeliyay golaha Wasiirada lagaga hadlayo safarka madaxweynaha Puntland uu ku tegay deegaano ka tirsan gobolka Bari iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa intiisa badan lagu falanqeyn doonaa shirkii kiskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka qodobada ka soo baxay iyo kaalinta casuumaadda maamulka Puntland oo aan ka qeyb gelin shirka.

Puntland ayaa qaadacday shirkii iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyada oo sheegtay in ayna jirin casuumaad rasmi ah oo ay ka heshay dowladda fedraalka Somalia, sidaas oo kalana waxaa qaadacay mamulka Jubbaland.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top