Connect with us

somalilandtoday.com

Baarlamaanka Iiraan Oo Meel Mariyay Sharci Ka Farxiyay Haweenka Guursada Ragga Ajaaniibta

focus

Baarlamaanka Iiraan Oo Meel Mariyay Sharci Ka Farxiyay Haweenka Guursada Ragga Ajaaniibta

(SLT-Iran)-Guddiga turxaan bixinta ee Baarlamaanka Iiraan ayaa meel mariyau sharci u ogalaanaya haweenka guursada ragga aan u dhalan dalkaasi in carruurtooda ay heli karaan aqoonsiga muwaadinimo ee Iiraan.

Afhayeenka guddiga difaaca dadweynaha Cabaas Cali Kadkhodai, ayaa ku dhawaaqay in afar bilood kadib baarlamaanka ay sharcigaan ansixiyeen.

Bishii June ayaa guddiga diideen sharci ay soo saareen guddiga difaaca, si loogu ogolaado in carruurta ay dhaleen aabayaasha ajnabiga ah u helaan sharciga muwaadinimo ee Iiraan.

Guddiga oo tiradiisu tahay 12 xubnood oo lix ka mid ah hab magacaabis ah ku yimaadeen ayaa qeyb ka mid ah waxay awoodaan in sharcigaan ay meel mariyaan.

Bishii July ayaa xubnahaan waxay horgeeyeen dooda la xidhiidha arrintaan xarunta baarlamaanka si loogu ogolaado carruurta ay dhaleen aabayaasha ajnabiga in ay helaan dhalashada haddii ayna dhibaato ku aheyn amniga.

Si kastaba ha ahaatee waxaa sharcigaan soo dhaweeyay hey’adaha u ololeeya xuquuqda Aadanah

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top