Connect with us

somalilandtoday.com

SOMALILAND: Qareenno Shaqadii Laga Hakiyey.

focus

SOMALILAND: Qareenno Shaqadii Laga Hakiyey.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex, Dr. Cali Suudi Diiriye ayaa Shaqadii Qareennimo ka hakiyey Saddex Looyar oo dhawaan Warbaahinta ka sheegay in Cadaalad-darro ka jirto Maxkamadaha Somaliland.

Guddoomiyaha Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex, Dr. Cali Suudi Diiriye ayaa Wareegto uu soo saaray ku sheegay in Looyarrada oo kala ah Cabdirisaaq Ismaaciil Xasan, Daahir Maxamed Faarax iyo Maxamed Cali Careef ay Warar borobagaando ah ka faafiyeen Garsoorka, sidaasi darteed laga hakiyey Qareennimadii ay kaga shaqaysan jireen Maxkamadaha hoose ee Gobolka Maroodi-jeex.

Halkan Hoose Ka Akhriso Warqadda Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top