Connect with us

somalilandtoday.com

Sannad Guuradii Kowaad Ee Ka Soo Wareegtay Dilkii Saxafiga Jamal Kashigji Oo Maanta Ku Beegan

focus

Sannad Guuradii Kowaad Ee Ka Soo Wareegtay Dilkii Saxafiga Jamal Kashigji Oo Maanta Ku Beegan

(SLT-Riyadh)-Sannad ayaa maanta oo ku beegan labada bisha October laga joogaa, markii saxafiga Jamal Kashigji lagu dhexdilay qunsuliyadda uu Sacuudiga ku leeyahay magaalada Isntanbul ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga Raceb Tayib Erdogan ayaa ballan qaaday, in dowladdiisa ay sii wadi doonto dadaalladeeda ku aadan ifinta dilki wuxushnimada ahaa ee lagu khaarijiyay Jamal Kashikji oo ahaa saxafi u dhashay dalka Sacuudiga.

Khashoggi, ayaa ahaa saxafi magangalyo ku daganaa Mareykanka. Wuxuu ka mid ahaa dadka maqaalada ku qoro wargeyska Washington Post ee kasoo baxa magaaladan Washington D.C. Wuxuu ka mid ah dadka naqdiya siyaasadda dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Hey’ada sirdoonka dibadda Mareykanka ee CIA iyo qaar ka mida dowladaha reer Galbeedka ayaa rumeysan in dilka Kashikji uu amray Maxamed Bin Salman.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top