Connect with us

somalilandtoday.com

Dowladda UK Oo Dadaal Ugu Jirta Xalinta Khilaafka U Dhaxeeya Soomaaliya Iyo Kenya

focus

Dowladda UK Oo Dadaal Ugu Jirta Xalinta Khilaafka U Dhaxeeya Soomaaliya Iyo Kenya

(SLT-Nairobi)-Dowlada Ingiriiska ayaa wada dadaalo ay dabada uga riixeyso in wadaxaajood ay dhaxdhigto Soomaaliya iyo Kenya oo uu u dhaxeeyo muran ka dhashay Badda.

Safiirka UK u fadhisa magaalada Nairobi ms Jane Marriot ayaa sheegtay in ay jeclaan laheyd in uu dhammaado khilaafka Kenya iyo Soomaaliya ee ka dhashay dhanka Xadka.

Mr Marriott ayaa intaa ku dartay in wadahadal kaliya lagu xalin karo khilaafka labada Wadan, kadib kulan ay la qaadatay madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto.

Toddobaadkii hore ayay aheyd markii magaalada New York uu ka dhacay kulan u dhaxeeyay madaxweynaha dalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Labada hoggaamiye oo kulankooda gadhwadeen uu ka ahaa madaxweynaha Masar Cabdi Fataax Al-Siisii ayaa la isku afgatay in lagu soo afjato Khilaafka u dhaxeeya labada Wadan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top