Connect with us

somalilandtoday.com

Xuutiyiinta Yeman Oo Sii Daayay Kumanaan Maxaabiis Ah Oo Ay Ka Mid Yihiin Muwaadiniin U Dhashay Sacuudiga.

focus

Xuutiyiinta Yeman Oo Sii Daayay Kumanaan Maxaabiis Ah Oo Ay Ka Mid Yihiin Muwaadiniin U Dhashay Sacuudiga.

(SLT-Yemen)-Dagaalyahanada Xuutiyiinta Yeman ayaa si shuruud la’aan ah ku sii daayay 350 Maxbuus oo ay ka mid yihiin saddex muwaadin oo u dhashay Sacuudiga.

Sii deynta maxaabiistan ayaa ku soo beegmaysa maalmo uun kadib markii xuutiyiinta ay sheegteen inay nolosha ku qabteen kumaan askari oo ka tirsan millatariga Boqortooyada.

War saxaafadeedka oo lagu baahiyay Tv-ga ku hadla afka kooxdan ee Al-Masiirah ayaa intaa lagu daray in ay qeyb ka tahay sii deynta maxaabiistan heshiiskii Stockholm ka dhacay bishii December.

Heshiiska oo gadhwadeen ay ka aheyd qaramada midoobay ayaa dhigaya in qodobka koowaad labada dhinac ay isku weydaarsadaan maxaabiis dhan 7,000.

Tan iyo dabayaaqadii sannadkii hore dowlada Yemen iyo Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa la dhibaatoonayay hirgalinta heshiiska nabadeed oo ay Saxeexeen.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top