Connect with us

somalilandtoday.com

Cabdala Cabdala Iyo Ashraf Ghani Oo Guulo Ka Sheegtay Doorashadii Madaxtinimo Ee Afghanistan

focus

Cabdala Cabdala Iyo Ashraf Ghani Oo Guulo Ka Sheegtay Doorashadii Madaxtinimo Ee Afghanistan

(SLT- Afghanistan)-Musharixiintii u loolamay jagada madaxtinimo ee dalka Afghanistan ee kala ah Cabdala Cabdala iyo madaxweyne Ashraf Ghani ayaa labadooda guullo ka sheegteen Doorashadii dhacday maalintii Sabtida.

Hadalka siyaasiyiinta ugu waaweyn Afghanistan ayaa ku soo beegmaya iyadoo wali guddiga doorashada ee loo yaqaan IEC ku guda jiraan tirinta Codadka.

Waxaan ku guulleysanay badi codadka la dhiibtay ayuu yidhi Cabdala Cabdala kadib shir Jaraa’id oo uu qabtay Isniintii shalay isaga oo aan soo bandhigin cadeymo.

Guddiga doorashada way shaacin doonaan natiijada, balse waxaan heystaa codadka ugu badan oo shacabku dhiibteen, mana la’aadi doono wareeg Kale ayuu yidhi.

Mr Cabdala ayaa codsanaya markii saddaxaad waxaana uu hore ugu guul darestay sannadihii 2009 iyo 2014-kii.

Dhanka kale Amrullah Saalax oo madaxweyne ku xigeen u ah Ashraf Ghani ayaa tilmaamay in ay iska cadahay in ay guulaysteen, walow aanu isaguna soo bandhigin caddeymo Muuqda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top