Connect with us

somalilandtoday.com

Xuutiyiinta Yeman Oo Soo Bandhigay Khasaare Xooggan Oo Gaadhay Millatariga Sacuudiga

focus

Xuutiyiinta Yeman Oo Soo Bandhigay Khasaare Xooggan Oo Gaadhay Millatariga Sacuudiga

(SLT-Yemen)-Xuutiyiinta Yemen ayaa baahiyay muuqaal iyo sawiro ay ku sheegeen in ay ku dileen ama lagu dhaawacay, 500 oo askari oo ka mid ahaa millatariga Sacuudiga.

Dagaalyahanada mucaaradka Yemen ayaa dhanka kale ku soo bandhigay tv-ga Al-Masiirah muuqaalka askar nolosha ay ku hayaan.

Afhayeenka ciidanka Xuutiyiinta Yaxye Saree, ayaa tilmaamay in diyaaradaha Drone-ka ay ku garaaceen xeryaha millatariga ka dibna ay dibadda u soo baxeen Ciidanka.

Mr Yaxye ayaa intaa ku daray in ciidan xooggan ay ku diyaariyeen xadka Sacuudiga iyo Yemen, ka dib ay ciidankan isku soo dhiibeen.

Muuqaalkan ayaa dhanka kale lagu soo bandhigay gaadiid Gubanaya.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma caddeyn karo sheegashada Xuutiyiinta, iyadoo dowlada Sacuudiga ay ka gaabsatay inay ka hadasho.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top