Connect with us

somalilandtoday.com

Gabadha Ay Dhashay Ilhaan Cumar Oo Farriin Culus U Dirtay Madaxweyne Trump

focus

Gabadha Ay Dhashay Ilhaan Cumar Oo Farriin Culus U Dirtay Madaxweyne Trump

(SLT-New York)-Gabadha ay dhashay Ilhaan Cumar ee lagu magacaabo Isra Xirsi ayaa sheegtay in ay codkeeda u dhiiban doonto sidii Trump xafiiska looga saari lahaa haddii maamulkiisa uusan qaadin tallaabo xal u ah “dhibaatada wayn” ee isbedelka cimilada adduunka.

Isra Xirsi oo la hadashay barnaamij lagu magacaabo Democracy Now waxaa laga wareystay ololaha 16-jirka ee isbedelka cimilada.

Waxay ka mid tahay da’yar hoggaamineysay dibadbaxa isbedelka cimilada caalamka kaas oo ka dhacay Minneapolis, iyo sidoo kale daafaha caalamka, Jimcihii la soo dhaafay.

Isra oo ayaa wax laga weydiiyay farriintan arrintan cimilada la xidhiidha ee ay u direyso Donald Trump ayaa sheegtay “in ayna dib uga istaageyn wax qabad la’aan”.

“Madaxweyne Trump, ficilladaada waxay hubaashii dhibaateynayaa dadka. Malaayiin qof oo ku nool dalkan ayey saameeyeen (ficilladaada),” ayey tirdhi.

“Da’yar ahaan, dadka dib ugama istaagayaan in waxqabad la’aantan ay sii socoto”.

Isra waa madaxa fulinta da’yarta dibadbaxa ee isbedelka cimilada adduunka, waxayna wax ka aasaastay ururkaas.

Juwariya Jaamac oo ka mid ahayd hoggaamiyayaasha dibadbaxa isbedelka cimilada ee Mareykanka oo barnaamijka kala qeybgashay Isra waxa ay sheegtay: “Waxaan u baahan nahay madaxweynaha inuu darteen wax u qabto iyo dadka ay saameysay.”

Isra Xirsi ayaa tidhi: “Waan sii wadi doonnaa in aan jidadka ku sugnaano illaa wax uun oo isbedel ah laga helayo xafiiskaaga (Trump). Waxaan u codeyn doonnaa in aad guuldareysato sababtoo ah waxaan u baahannahay hoggaamiye wax ka qabto dhibaatadan aan caadiga ahayn.”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top