Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Dhiggiisa Imaaraadka Carabta Ku Marti-Qaaday Hargeysa

focus

Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Dhiggiisa Imaaraadka Carabta Ku Marti-Qaaday Hargeysa

(SLT-Dubai)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo safar ku jooga dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta, ayaa la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Imaaraadka, ahna Maamulaha Dubai, Sheikh Juma Bin Ahmed Al-Makhtoum.

Qoraal kooban oo Madaxweyne ku-xigeenku ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu Madaxweyne ku-xigeenka Imaaraadka, ahna Maamulaha Dubai uu la yeeshay kulan Midho-dhal ah, muddadii ay wada joogeena ay ka wada-hadleen Fursadaha Maalgeshi ee Imaaraadka Carabta uga banaan, sida Tamarta, Beeraha iyo Kalluumaysiga.

Mudane Saylici waxa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay inuu dhiggiisa Imaaraadka ku marti-qaaday Somaliland, si uu Mustaqalka dhow u soo booqdo, si kor loogu qaado xidhiidhka labada Dal.

Kulanka waxa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayey Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Md. Muniir Abu Site.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top