Connect with us

somalilandtoday.com

Kenya Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Jabuuti

focus

Kenya Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Jabuuti

(SLT-Nairobi)-Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay eedeyn dhawaan uga timid dowladda Jabuuti, taasoo salka ku heysa loollanka ay labada waddan ugu jiraan xubin ka noqoshada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Jabuuti ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay Kenya ku tilmaantay waddan aan lagu aamini karin nabadgalyada gobolka, iyadoo tusaale usoo qaadatay khilaafka xadka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Aadan Barre Ducaale, oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, kana mid ah saraakiisha sar sare ee xisbiga talada dalka Kenya haya ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii kasoo yeedhay Jabuuti.

“Hadalkii kasoo yeedhay wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, walaalkey Maxamuud, ee uu ku sheegay in Kenya aan lagu aamini karin nabadgalyada gobolka, waa mid nasiib darro ah, waa mid khalad ah, sababtoo ah Kenya ilaa markii ay xornimada qaadatay waxay ahayd waddan ka shaqeeya nabadda iyo xasiloonid”, ayuu yidhi Aden Bare Ducaale oo Wareysi siiyay Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da

Wuxuu intaasi ku daray in ilaa 40,000 oo ciidamo ay dibedda u dirtay Kenya si ay qeyb uga noqdaan nabad ilaalinta caalamka.

“Waxaan ka qeyb galnay dib u heshiisiinta waddamada Suudaanta Koonfureed, Somaaliya, Namibia, Sierra Leone, Liberia ilaa DRC. Waxaan qeyb ka nahay waddamada uu Mareykanka ka midka yahay ee dagaalka kula jira ururrada argagixisada iyo Burcad badeedda”, ayuu yidhi Ducaale.

Aadan Ducaale ayaa dhinaca kale sheegay in Kenya ay cod aqlabiyad leh uga guuleysatay Jabuuti markii ay hanashada kursiga Afrika loogu matalayo gobolka ugu tartameen ururka Midowga Afrika gudihiisa, wuxuuna yidhi: “Annagu hadda waxaan wadannaa calankii Midowga Afrika, Jabuuti waxaan ku kala baxnay codeyn, waxaan helnay 37 cod iyaguna waxay heleen 13 cod, marka waxaan leenahay walaalkeen Maxamud, oo ah nin wasiir ah oo sharaf leh, in haddii ay Jabuuti wali sii wado Ol’olahaas ay ka dhigto mid diblomaasi ah”

Aden Bare oo hadalkiisii sii watay ayaa yidhi, “Hadduu leeyahay Kenya nabad galyo ma jirtana, Jabuuti iyo Eretariya ayaa is hor fadhiya dhowr iyo toban sanno, millatarigoodana ay is-eegayaan, Kenyana waa waddanka kaliya ee nabad loo soo doonto qaxootigana marti galisa, waana meesha kaliya ee lagu soo cararo. Marka haddii aad isbarbar dhigto Jabuuti iyo Kenya kee baa lagu aamni karaa amniga gobolka?”.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top