Connect with us

somalilandtoday.com

Jarmalka, Ingiriiska Iyo Faransiiska Oo Ku Eedeeyay IRAN Weerarkii Ceelasha Shidaalka Sacuudiga

focus

Jarmalka, Ingiriiska Iyo Faransiiska Oo Ku Eedeeyay IRAN Weerarkii Ceelasha Shidaalka Sacuudiga

(SLT-New York)-War ay si wadajir ah uga soo saareen magaalada New York wadamada Jarmalka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa lagu sheegay in dowlada Iran ay ka dambeysay weerarkii lagu qaaday ceelasha saliida ee Boqortoyada Sacudi Carabiya.

Weerarka oo ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha wadin 14kii bishan ayaa khasaare lagu gaadhsiiyay ceelasha saliida ee Abqaiq iyo Warshad lagu sifeeyo saliida ee Khurais ee Boqortoyada Sacudi Carabiya.

“Waa ay noo cadahay annaga in Iran ay mas’uul ka ahayd weerarka,mana jiro marmarsiinyo kale.”ayay saddexda hogaamiye ee wadamada soo saaray bayaankan ay ku sheegeen iyagoo ku sugan xarunta qaramada midoobay ee New York.

Sidoo kale wadamadan ayaa ugu baaqay dowlada Iran inay oggolaato in wadahadal ay ka gasho arrimaha Niyukliyerka, barnaamijyada gantaalada iyo ammaanka gobolkaba.

Xiisad ka dhalatay duqeyntan ayaa heer sare gaadhay toddobaadkan iyadoo inkabadan kalabadh saliidii laga soo saari jirey Sacudiga Carabiya ay hoos ugu dhacday.

Kooxda ka dhisan dalka Yemen ee Xuutiyiinta ayaa sheegtay mas’uuliyada duqeynta balse dowlada Maraykanka ayaa ku eedeysay Iran inay weerarkan ka dambeysay maalin kadib markii uu weerarkan dhacay.

Balse Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Javad Zarif ayaa sheegay in haddii ay dowlada Iran duqeyn lahayd ceelasha iyo warshada lagu sifeeyo saliida ay gebi ahaanba baabi’in lahayd.

Zarif ayaa sheegay in ayna jirin sabab loo rumeysan waayo in Xuutiyiintu ka dambeeyeen weerarada.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top