Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Iiraan Oo Sii Deysay Markab Ay Haysatay Muddo 2 Bilood Ah

focus

Dawladda Iiraan Oo Sii Deysay Markab Ay Haysatay Muddo 2 Bilood Ah

(SLT-Iran)-Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in Markabka Stena Impero, oo laga leeyahay dalka Swedan oo uu ka dul babanayo calanka UK uu hadda ka tagi karo Iiraan kaasi oo laba bilood ka hor ciidanka ilaalada ay ku qabteen gacan biyoodka Hormuz ee biyaha Iiraan.

Afhayeenka dowladda Iiraan Aliu Rabiei, ayaa Isniintii shalay sheegay in sharuudaha dhanka sharciga ee lagu sii deynayay markabkaan la gaadhay hadda laga bilaabana uu xor u yahay in uu Shiraacdo.

Illaa iyo hadda ma cadda xiliga rasmiga ah ee uu Markabka Stena Impero ka tagi doono Iiraan, balse waxaa soo dhaweeyay xoghayaha fulinta ee shirkada Stena Bulk MrHerik Hannel.

Ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan ayaa 19-kii bishii July ka qabtay markabkaan iyo 19 shaqaale ah oo saarnaa badda waxaana ay ku eedeeyeen in uu ku soo xadgudbay biyaha Dalkaasi.

Sii deynta markabkaan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan ay marba marka ka sii danbeysa ay kor u sii kaceyso.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top