Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Gaadhay Magaalada New York

focus

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Gaadhay Magaalada New York

(SLT-New York)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa gaadhay magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shir sannadeedka Golaha Guud ee loo dhan yahay Qaramada Midoobey.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo sii maray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Amb. Abuukar Baalle.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Mareykanka ayaa noqonaya kii u horreeyay ee uu ku tago dalkaas, isagoo Madaxweyne ah, waxaana bil ka hor uu Madaxweyne Farmaajo iska wareejiyay baasaboorkii dalka Mareykanka oo uu ka tanaasulay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top